Suaalo
Is Fahan.
Shayga Koowaad ee aan ku dooran lahaa qofka aan nolosha la wadaagayo waa Is Fahan.
Quruxda, Dareenka Jacaylka, Maalka, Iyo dhamaan waxyaalaha kale oo dhan waa waxyaalo dhamaan kara amaba ku salaysan Dano gaar ah oo uu qofku rabo inuu baahidiisa buuxiyo, Tusaale: Qof aad qurux ku dooratay, Waa dan aad ka leedahay oo Quruxdaas aad ka heshay, Maal iyo xataa jacaylkuna waa baahidaada oo aad hor marinayso un.
Sidaas darteed, Waa waxyaalo basekoodu khaldanyahay oo u badan inay si deg deg ah ku dhamaadaan, Balse Is fahanku waa ka waqti dheeryahay, Kana darajo sareeyaa waxyaalahaa kale. Qof aad is fahantaan, oo si' gaar ah aad wax iskula aragtaan, Ha ahaato nolosha aad wadaagaysaan amaba aragtiyo kaleba, Waxay saamaxaysaa inaad mawjadaha nolosha aad ka wada gudbi kartaan si kastaba iyo wax kastoo ay noloshu idinku soo tuurto.
DOORO QOF AYDAAN WAX KALE ISKU JECLAYN, AYDAAN WAX KALE ISKA RABIN, BALSE IS FAHANKIINU IDIN FARXAD GALIYO ISKUNA KIIN KEENO.
Wabilahi tawfiiq.