Mustafa
Waa dhibaato qaarada madow ugu badan. Balse soomaalida gaar ahaan waa dad yar tiro ahaan marka loo eego caalamka horumaray oo ina hebel isu yaqaanah, sidoo kale waa dad taariikhdoodu ilaa 50 odey oo lagu abtirsado aysan dhaafsiisnayn, taas marka laga yimaado dad wax qora ma aha soomaalidu oo waa bulsho hadal. Hadalkuna ma waaro.
Qodobadaa ka sokow, nasiibka ayaa isna wax jira ah oo ma dooran kartid wixii kuu qornaa, sida meesha aad aduunka kaga taalo iyo inaad ku taalid meel strategy ah oo awoodaha waaweyn aysan u ogolayn maamul madaxa kor u taaga oo iskii isugu taliyah.
Intaasi waa ra'yigayga oo aan soo koobey.
Mararka qaar se. Waxaan is idhaahdaa, soomaalidu malaha dunuub ayay xaga rabbi ka gashayba 😁, waayo waa dad caqabado badan hor yaaliin.
Wabilahi tawfiiq.